Jaamacadda Unisda (University with Global Vision) ayaa ku dhawaaqday Deeq Waxbarasho Caalami ah 2025, taas oo si gaar ah loogu talagalay ardayda Muslimiinta ah. Deeqdani waxay ka kooban tahay fully-funded iyo partially-funded scholarships oo loogu talagalay heerka Undergraduate iyo Graduate.
Barnaamijyada Undergraduate
Ardayda doonaya inay wax ka bartaan heerka koowaad ee jaamacadda waxaa u furan:
- Barashada Afka iyo Suugaanta Indonesia
- Barashada Afka Ingiriisiga
- Barashada Xisaabta
- Barashada Diinta Islaamka
- Barashada Afka Carabiga
- Barashada Macallinnimada iyo Xannaanada Caruurta
- Barashada Macallinimada Dugsiga Hoose
- Dhaqaalaha Sharciga Islaamka (Sharia Economics)
- Maamulka iyo Xisaabaadka
- Injineernimada (Architecture, Civil Engineering, Computer Technology Engineering)
- Beeraha (Agrotechnology), Cilmiga Siyaasadda, Sharciga iyo Xisaabta.
Barnaamijyada Graduate
Heerka Master waxaa lagu bixinayaa:
- Master of Indonesian Language and Literature Education
- Master of Islamic Religion Education
- Master of Law

Jadwalka Muhiimka ah
- Isdiiwaangelinta: Hadda way furantahay
- Xulashada Dukumentiyada: August 2025
- Natiijada Hore (Stage 1): 1 September 2025
- Wareysiga: September 2025
- Natiijada Ugu Dambeeysa: September 2025
Ardayda xiisaynaysa waxay iska diiwaan gelin karaan iyagoo isticmaalaya QR code-ka ku yaal warqadda ama la xiriira:
📧 sekretariat@unisda.ac.id / irmayani@unisda.ac.id
Deeqdan waxbarasho waxay fursad weyn u tahay ardayda Muslimiinta ah ee doonaya inay helaan aqoon tayo leh.